Wasiir Ka Tirsan Dowladda Soomaaliya oo Tagay Laascaanood

Wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya  iyo wafuud uu hoggaaminaayo ayaa tagay magaalada Laascaanood oo muddo Seddex bil  marti galisay dagaallo sokeeyo dad badan ay ku dhinteen, waxana laga bixyay aragtiyo kala duwan  tagitaankiisa gobolka So.

Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif, iyo wafdiga la socda ayaa kulamo ka bilaabay magaalada Laascaanood, Kuwaaa oo la kulmay guddiga SSC ee Khaatumo, kulankaan ayaa looga hadlay Xaaladda cakiran ee gobolka Sool oo muddo ay ku dagaalamayaan Ciidanka Soomaaliland iyo kuwa deegaanka.

Labada dhinac ayaa isla soo qaaday dagaaladii xooggaana ee ka dhacay gobolk Khasaarihii ka dhashay iyo xogo badan ku saabsan si guud deegaanka.

Wasiir Jaamac ayaa tagay xuramaha ay ku sugan yihiin Ciidanka deegaanka sida lagu faafiyay Sawirro laga qaaday warbaahinta bulshada, waxana uu tagay sidoo kale goobaha ay waxyeeladdu ka soo gaartay dagaaladda ee Laascaanood.

Wasiirkaan  ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ka tirsan dowladda federaalka ah  ah Soomaaliya ee booqda magaalada Laascaanood, tan iyo markii uu ka billowday dagaalka Somaliland iyo SSC.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed