Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa maanta Baarlamaanka u gudbisay xisaab xirka sanadka 2022

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u gudbisay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xisaab -xirka Dowladda ee sanadk 2022 – ka.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku wareejiyay Xisaab-xirka Miisaaniyad sanadeedkii 2022-ka oo soo maray dhammaan hab-raacyadii sharciga ahaa.

Xisaab-xirkaan oo la soo saaray bishii Abriil, 2023-ka ayaa waxaa baaris Maaliyadeed ku sameeyay Hanti-Dhowrka Guud ee Qaranka, iyada oo natiijada baaritaanka lala wadaagay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda maaliyadda ayaa hoosta ka xariiqday  inay sii amba-qaadi doonto xoojinta nidaamyada isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta maamulka Guud ee maaliyadda iyo dowlad wanaagga.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed