Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegtay in ay dileen ku dhawaad 30 dagaalyahan oo ka tirsan AS

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Jimcihii sheegay in ay dileen 27 ka mid ah uruka Al shabaab, kadib howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen deegaanno ka tirsan maamulka Galmudug.

“In ka badan 27 ka tirsan Maleeshiyada Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay sameeyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga oo lagu daabacay X, oo horay loo dhihi jiray Twiter.

Howlgallada ayaa ka dhacay tuulooyinka Balal-Dheer, Ceel-Gambar, iyo Mililiqo oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Saddex saldhig oo ay Al shabaab ku sugnaayeen ayaa lala beegsaday waxaana lagu burburiyay gaadiid iyo agab ciidan, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Howlgalkii ugu dambeeyay ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan howlgallada ay sameynayaan ciidamada isku dhafka ah ee  Soomaaliya, kuwaasi oo lagu bartilmaameedsanayo madaxda ugu sareysa dagaallamayaasna Al shabaaab ee ku sugan gobollada Koonfurta iyo bartamaha dalka.

Horaantii Jimcihii, Wasaaraddu waxay sheegtay in duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed lagu dilay Hogaamiye sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab  iyo 7 ka mid ah ilaaladiisa.

Soomaaliya ayaa sannado badan waxaa ka jiray falal ammaan-darro, iyadoo khatarta ugu badan ay ka imaanayso  Al-shabaab iyo Daacish/ISIS.

Al shabaab ayaa  kordhisy weerarada tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo dib loo doortay sannadkii hore, ee uu ku dhawaaqay dagaal dhan walba ah oo ka dhan ah al-Shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed