Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo shaacisay in la dilay 200 oo ka tirsan Al-Shabaab & hoggaamiyaal

Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howgallo ay sameeyeen ciidamada kala duwan ee dowladda Faderaalka lagu dilay ku dhawaad labo boqol oo ka tirsan kooxda Al-shabaab sibuucaaan, halka lagu dhaacway tiro kale, lagana saaray deegaanno muhiimah, iyada oo dhanka kale laga furtay hub badaan.

Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga General, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa faah sheegay in todobaad gudihiis howlgallo gobollo kala duwan ka dhacay lagu dilay 200 oo Shabaab ah tiro intaas ka bandanna loogu dhaawacay.

Dhanka kale Afhayeenka oo ka hadlay howlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay inta u dhexeysa gobollada Galgaduud iyo Shabeellada ayaa xusay in ka abadan 30 dagaal yahan oo ay ku jiraan hoggaamiyaal sare.

Ciidanka xoogga ayuu sheegay in howlgallo ay bishaan gudaheeda ka sameeyeen gobollada Jubbooyinka Galgaduud iyo Shabeellada dhexe ay ugu geysteen jab xooggan kana laayeen howlgallada ka dhanka ah Al shaabab.

Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga General, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa intaa ku daray in uu dhowaan billaaban doono wejiga labaad ee howlgalka lagu cirribtiraayo Al shabaab.

Warkaan ayaa imaanaya iyada oo muddooyinkii dambe ciidamada dowladda ay fuliyeen howgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Al shabaab, dhawaan dowladda ayaa qorsheyneyso in bilaawday howlgalka wajiga labaad.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed