Wasaaradda Gaashaandhigga: 130 Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay howlgallada ugu dambeyay

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa difaaca shacabka ayaa howlgalo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland ku dilay in ka badan 130 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in deegaanno xasaasi ah oo ka tirsan gobolka Mudug oo istaraatiijiyad muhiim u ah Al-shabaab laga saaray, waxaana ka mid ah deegaannada Shabeeloow, wadada dheer ee Cadale, Buurta Yagoos, deegaanka Baraag Ismaaciil, magaalooyinka Ceel-dheer iyo Masagawaay.

Gobolka Shabeelaha Dhexe, ciidanka ayaa ku guuleystay  inay Shabaab ka saaraan dhulka howdka ah ee ku teedsan xuduudka Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, halkaasoo Al shabaab ay ka sameysan jireen godad dhufaysyo ah.

Howlgallo ballaaran ayaa laga sameeyay labada gobol ee Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose, waxaana lagu soo afjaray tiro badan oo ka tirsan Al-Shabaab. Intii lagu guda jiray howlgalladaas, waxaa lagu burburiyay hub aad u badan, qalab laga soo furtay, iyo meelo lagu qarinayay.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa difaaca shacabka ayaa hoosta ka xariiqaya sida ay uga go’an tahay sii wadida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab inta laga ciribtirayo guud ahaan dalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed