Wasaaradda amniga Koofur Galbeed iyo ATMIS oo kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Baraawe

Wasaaradda amniga Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan looga hadlayay ammaanka ku qabatay degmada Baraawe, kulankaas ayaa waxaa ka soo qeyb galaya Saraakiil ka socotay Ciidamada ATMIS, Nabad-sugida, Booliska, iyo Xoogga Dalka, waxana diiradda lagu saaray dardar gelinta ammaanka guud ee gobolka Shabeelada Hoose, dagaalka Al-shabaab iyo wada-shaqeynta  ciidamada kala duwan ee gobolka.

Kulankaan waxaa shir guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Xasan Cabdulkadir  Maxamed oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose iyo masuuliyiim kale, dhammaan xubnihii ka qeyb galay kulanka ayaa soo jeediyay muuhiimadda ay leedahaay in laga wada shaqeeyo arrimaha ammaanka, lagana foogjignaado weerarada Al-shabaab.

Wasiirka Amniga koofur galbeed Xassan Cabdulkadir ayaa Saraakiisha Ciidanka kula dardaarmay in ay wadashaqeyn wanaagsan ay yeeshaan lana xaqiijiyo amniga magaalada Baraawe iyo guud ahaan deegaannada hoos yimaada.

Kulankaan ayaa ku soo beegmaya iyada oo dhawaan magaalada Baraawe ay ku dagaalameen ciidanka Daraawiista Koofur Galbeed iyo Millatariga Soomaaliya, dagaalkaas ayaa dhaliyay khaasaaro xooggan oo naf iyo maal ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed