Wasaaradda Amniga Hirshabeelle iyo Ciimada ATMIS oo Kawada Hadlay Ammaanka Garoomada Diyaaradaha Kadib Warqadii Cali Jeyte

Maamulka Hirshabeelle ayaa ka falceliyay hadal xalay ka soo yeeray guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte, kaas oo mamnuucay in diyaraad siddo masuuliyiin Hirshabeelle aysan imaan karin Beledweyne, warqad uu soo saaray ayuu kaga digay arrintaasi, balse Wasiirka amniga Hirshabeelle ayaa Maxamed Cabdiraxmaan Khayre ayaa kulan gaar ah la yeeshay Saraakiisha Ciimada ATMIS kuwaas oo maamula garoomada diyaaradaha Hirshabeelle.

Wasiirka ayaa Ciimada ATMIS kala hadlay adkeynta guud ahaan ammaanka diyaaradaha maamulkaasi, iyaga oo iska xog warreysatay muhiimadaa ay leedahay in laga hortago falalka amiga ka soo horjeeedo ee garoomada diyaaradaha Hirshabelle.

Qoraal laga soo saaray kulankii dhexmaray Wasiirka amiga Hirshabeelle iyo saraakiisha ammaanka ee Ciidamada ATMIS ayaa sidaan lagu yiri:

“Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga waramay xaaladaha amni ee deegaanada Hirshabeelle iyo deegaanadii dhawaan laga xoreeyay cadowga Khawaarijta ah, Isagoo tilmaamay in Ciidamada ATMIS ee gacanta ku haya Garoomada Diyaaradaha uu faray inay xaqiijiyaan amniga garoomada Hirshabeelle”.

Si kastaba, kulankaan looga hadlay ammaanka garoomada diyaardaha Hirshabeelle ayaa kuu soo aadaya, iyada guddoomiyihii diiday xilka laga qaaday ee goboolka Hiiraan uu sheegay in garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne aysan imaan karin diyaarad siddo magaca masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.

Xaaladda siyaasadeed maamulkaasi ayaa wajaheysa dhibaato horleh oo ku aadan khilaafka xooggan ee dhexyaal Madaxda Hirshabeelle iyo Cali Jeyte.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed