Warbixin: Fatahaado & Daadad Xooggan oo khasaare ka geystay dawlada deegaanka Soomaalida

Daadad xooggan ayaa beddelay abaartii masiibada ahayd ee malaayiinta xoolo ah ku  dishay dawlada deegaanka Soomaalida, taasoo sii xumaynaysa xaalada nolosha kumanaaan ruux oo arrintaasi ay Saameysay..

Daadad xooggan iyo Fatahaado ayaa galaaftay nolosha 45 qof, waxaana barakiciyay 35,000 oo qoys, waxaana ku dhintay 23,000 oo xoolo ah dawlada deegaanka  Soomaalida oo kaliya, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (UN OCHA) May 12, 2023.

Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ka badan 300,000 oo qof ay sameeyeen  daadad xooggan oo daba socday roobab xooggan  bishii Maarso 2023 ka da’ay Itoobiya iyo Soomaaliya.

Deegmooyinka  uu maro Wabiga Shabeelle ee gobolka waxaa si wayn u saameeyay fatahaada wabiga iyo biyaha ka imaanaya jiinka wabiga sida lagu sheegay Warbixinta.

Fatahaadda ayaa sidoo kale geystay khasaare xooggan oo soo gaaray  hab-nololeedka dadka abaaruhu saameeyeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhimashada xoolihii abaartu wiiqday iyo xaalufka dhulkii barwaaqada ahaa. OCHA ayaa sheegtay in 99,000 oo hektar oo dhul beereed ah ay baaba’een fatahaadda awgeed.

Warbixinta ayaa lagu soo gunnaaday in deegaannada uu maro wabiga Shabelle ay tahay meelaha ugu daran oo wili u baahan gargaar, iyada oo dadkii daganaa ay ka carareern guryahoodii, Beerihii iyo Xoolihiina ay baabi’iyeen Fatahaadaha.

HBN News Desk

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed