Wararkii ugu dambeyay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan

Ugu yaraan 5 ruux oo uu ku jiraan askari ayaa ku dhintay qarax gelinkii gabbal dhicii shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halka tiro ku dhaw 10 kalana ay ku dhaawacmeen oo ah askar & shacab, kaddib markii gaari Homey loo adeegsaday waxyaabaha qarxo lagu weerar xero ciidan oo ku taal galbeed magaalada Beledweyne ee loo yaqaan Qoraxsin.

Xerada ciidan ee weerarka lagu qaaday ayaa waxaa horay ugu sugnaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Jabuuti oo ka tirsan howlgalka ATMIS, ciidankaas ayaa ka guuray xeradaas isla markaana waxaa lagu wareejiyay ciidamo cusub oo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaas oo kamid ah kuwii laga keenay dalka Eratariya.

Dadkii dhaawacmay ayaa  la geeyay cararay isbitaallada magaalada, waxaana lagu wadaa in magaalada Muqdisho loo soo qaado kuwa dhaawacoodu daran yahay sida ay ku warameen saraakiil caafimaad oo ku sugan magaalada Beledweyne.

Xaladda ayaa maanta daggan, iyada oo goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan  maamulka Hirshabeelle ee dhinac uga sugnaa magaalada Beleweyne ee gobolka Hiiraan, ilaa iyo hadda faah faahin dheeraad ah dowladda soomaaliya kama bixin weerarkaas lagu qaaday ciidamadka.
HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed