Wararka laga helayo duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta uu halkaas ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya ciidamada Dowladda Federaalka iyo ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee maamulkaasi, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Dagaalka ayaa la soo warinayaa inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli la shaacin tirada rasmiga ah ee waxyeellada, maadaama dadkii deegaanka ay isaga bexeen goobihii lagu dagaallamay.
Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay la wareegeen mid ka mid ah saldhigyadii ay ciidamada ka soo duullaanka ahaa ku sugnaayeen, ayna gacanta ku dhigeen maxaabiis, balse ma jirto cid madaxbanaan arinkaasi u xaqiijisay.
Ciidamada taageersan Laftagareen ayaa dhowr jeer weerarro ku qaaday Baydhabo iyo fariisimaha ku yaalla duleedkeeda magaalada, iyagoo sheegay in ujeeddadoodu tahay dib u qabsashada xarunta gobolka Baay. Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, mana jirto war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca kale ee dagaalka.
HBN ONILNE TV

