Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo gaaray Kenya, ayaa maanta waxaa uu kulan kula yeeshay magaalada Narok dhigiisa dalkaasi William Ruto . Labada hoggaamiye oo marka hore ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka.
Sida ay sheegtay madaxtooyada Somaaliya oo ka war ka soo saartay socdaalka madaxweyne Xasan ee Kenya ayaa sheegtay in wadahadalada Narok ahaayeen kuwo labada dhinac ku xoojinayeen xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal, adkeeynta ay leedahay sii wadista iskaashiga iyo wadashaqaynta Soomaaliya iyo Kenya ee ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka.
Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli ay mucaaradka Soomaaliya ku baaqeen in la qabto doorashooyin toos ah oo loo dhan yahay, iyadoo weli ay socdaan doodaha u dhexeeya dowladda iyo dhinacyada siyaasadda ee ku saabsan nooca doorashada.
HBN ONLINE TV

