Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyey howdka deegaanka Ciid-ciid, oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Alshabaab oo halkaas ku sugnaa.
Cismaan Beerey, hoggaamiyaha Macawiisleyda aagga Mahadaay oo howlgalka hoggaaminaayey, ayaa u sheegay Warbaahinta Dowladda Soomaaliya in ay ku dileen tiro maleeshiyaad ah oo ka tirsan Alshaabab. Sidoo kale, ciidamada ayaa la wareegay hub iyo saanad ciidan oo ay ka furteen kooxdii weerarka lagu qaaday.
Sidoo kale, Beerey wuxuu xusay in meydadka afar maleeshiyaad oo ka tirsanaa Alshabaab la geeyey deegaanka Cali Fooldheere ee isla gobolka Shabeellaha Dhexe. Ciidamada deegaanka ayaa hadda gacanta ku haya goobihii lagu fuliyey howlgalkaas.
Howlgallada noocan ah ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu ciribtirayo Alshabaab sida ay marar badan sheegtay dowladda Soomaalya, iyadoo ciidamada deegaanka ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah kooxda, wallow Alshabaab ay waday maalmahaan dagaal rogaal celis ah.
HBN ONLINE TV