Somaliland ma aqbali doontaa in Israa’iil saldhig Milateri ka furato deegaanadooda?

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inaan la diidi karin suurtagalnimada in mustaqbalka Israel ay saldhig militari ka sameysato Somaliland. Hadalkan ayuu ku sheegay xilli uu wareysi siinayay telefishinka i24News ee Israiil laga leeyhay.

Intii uu wareysigu socday, markii la weydiiyay in Israel ay hadda saldhig militari ku leedahay Somaliland, ayuu ku jawaabay, “Hadda maya.” Markii su’aasha lagu celiyay haddii mustaqbalka ay arrintaasi dhici karto, ayuu Cirro ku jawaabay, “Ma diidi karo suurtagalnimadaas.”

Hadalka Madaxweyne Cirro ayaa imaanaya, iyada oo Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz sheegay in labada dhinac Somaliland iyo Israa’iil ay muddo sanado ah lahaayeen iskaashi,  si qarsoodi ah.

Katz ayaa tilmaamay in dhinacaydu la haayeen muddo dheer is kaashi hoose oo qarsoodi ahaa, balse hadda la gaarsiin dono mid amni oo heer cusub ah.

Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa maanta sheegay in aysan jirin wax ciidan Israa’iili ah oo ku sugan Somaliland, isaga oo beeniyay wararka sheegaya in Israa’iil ay doonayso inay saldhig ciidan ka sameysato dhulka deegaanadooda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed