Waxaa hakad ku jira weli muddo todobaad ah shirkii golaha baarlamaanka Soomaaliya, oo khilaaf xooggan uu ka dhex toshay, waxaana jira hadalo banaan yaal ah oo muujinaya in Mooshin xilka xayuubin oo ka dhan ah guddoomiyaha golaha uu jiro.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ku shiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay mooshin ka wadaan Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ay ku eedeeyen inuu socodsiin wayay sida hadalka ay u dhigeen kalfadhiga lixaad ee Golaha shacabka. lama hubo tirada saxda sax ah, balse waxay ku sheegeen inay gaarayaan 100 mudane.
Waxyaabaha xildhibaannadaan ay ku eedeeyeen Guddoomiyaha Golaha shacabka waxaa ka mid ah ku xad gudubka sida hadalka ay u dhigeen Dastuurka dalka iyo xeer hoosaadka u degsan Golaha, waxaana ay tilmaameen iyadoo uu kalfadhigii lixaad uu furan yahay muddo seddex bilood ah haddana aysan jirin inay xildhibaanadu wax fadhi ah ay iskugu yimaadeen ka soo bixin wax natiijo ah.
21-kii bishaan Abriil, Kulan Golaha Shacabka uu lahaa ayaa baaqday, ka dib markii uu hareeyay khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, iyadoo mudanayaashu ay dhowaan ka soo laabteen fasax ku dhow bil. Kulankan ayaa daba socday furitaanka kalfadhiga cusub ee furmay 19-kii isla bishan, waxaana shir guddoominayey Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur Madoobe & ku-xigeenkiisa labaad. Si kastaba ha ahaatee, fadhigaasi hore wuxuu ku soo dhammaaday buuq iyo muran aan xal loo helin, taas oo sababtay in ajandihii kulanka uu fashilmo.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa si rasmi ah u xiray fadhigaasi, isagoo ku sababeeyay buuqa iyo isqabqabsiga ka dhex aloosnaa mudanayaasha, taasoo meesha ka saartay suurtagalnimada in si habsami leh loo guda galo ajandaha Golaha.
Muuqaallo laga helay kulankaasi ayaa muujinayey xildhibaanno si cad ugu qeylinaya Guddoonka, iyagoo ka gadoodsan go’aankii uu guddoomiyuhu ka gaaray Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib.
Xogaha la helayo ayaa muujinaya in khilaafka u dhexeeya Guddoonka Golaha iyo qaar ka mid ah xildhibaannada, taas oo laga cabsi qabo inay carqaladeyso shaqada Baarlamaanka, xilli ay horeyba u jireen dhaliilo ku saabsan hannaanka hoggaamineed iyo waxtarka ee Golaha Shacabka.
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale wajahaya culeys siyaasadeed, iyadoo xasillooni-darro ka dhex aloosan tahay xubnaha Golaha, taas oo caqabad ku noqon karta geeddi-socodka sharci dejinta iyo howlaha horyaalla.
HBN ONLINE TV