WARARKII UGU DAMBEEYEY DAGAALKA UKRAINE

Dagaalka Ukraine ayaa galay maalintii 18-aad, waxaa sii kordhaya, khasaara dhimasho, dhaawac iyo burur, waxaa sii libdhaysa rajadii laga qabay in dirirtu istaagto taasi oo ka dambeysay Ruushka oo sii xoojiyey gulufka weerar iyo Ukraine oo wacad ku martay inay dagaalamayso inta nolol ku jirto.

Dagaalku hadda wuxuu kaabiga ku hayaa caasimada Kyiv, iyadoo ciidamada Ruushku doonayaan in ay magaalada galiyaan go’doon, taasi waxaa hareer socoto duqeyn xooggan oo aan kala joogsi laheyn.

Ruushku oo horey Ukraine hawada uga qabsaday isla markaana itaal tirad nidaamkii difaaca hawada Ukraine iyo awooddii ciidamada cirka, isla markaana si buuxda u maamulaya hawada dalkaasi ayaa iminka doonaya inuu go’doon dhanka badda ah galiyo Ukraine.

Ruushku wuxuu qabsaday biyaha Ukraine ee Badda Madow, taasi oo ka dhigan in xilligan Ukraine aanay laheyn bad caalami ah, laakiin magaalada Odesa ee dhacda Badda Madow ayaa wali waxaa gacanta ku haya ciidamada Ukraine, walow waxna dhanka badda ka soo gali karin kana bixi karin.

Dhanka magaalada Kyiv, xalay iyo duqeymaha Ruushka ayaa sida roobkii ugu da’yay, xaafado dad rayid ah degan yihiin madaafiic ku habsaday shacab ayaa ku dhintay, tiradu waxay gaaraysaa ilaa 5 qof, dhaawacuna waa uu ka badan yahay.

Ruushku wuxuu geeska galiyey wararka ku aadan in Ukraine loo soo diro ciidamo nabad illaalin ah, wuxuu tibaaxay in uu isagu masuul ka yahay Ukraine uuna ka taliyo loona baahnayn ciidamo ka socda Qaramada Midoobay.

Ruushku oo cunaqabatayna la saaray dhibaato dhaqaale u gaysatay wuxuu ku hajnabay in uu la wareegi doono hantida shirkadaha shisheeye ee joojiyey hawlihii ganacsi ee dalkaasi ay ka wadeen, waxaa kale oo xeerilaaliyaha guud ee dalku uu ku bixiyey digniin inay xarig la tiigsan doonaan wakiilada shirkadahaasi haddii ay isku dayaan inay dalka ka baxaan.Shirkadda loo hanjabay waxaa ka mid ah to Coca-Cola, McDonald’s, Procter & Gamble, IBM iyo Yum Brands oo shirkadda iska leh KFC iyo Pizza Hut.

Ruushku waxaa la sheegay in uu waydiistay Shiinaha caawimaad hub, laakiin Shiinaha ayaa taasi ku tilmaamay “beenabuur” waxay dalbadeen in caddeyn loo helo warkaasi.

Dagaalka oo socda haddana maanta waxaa aalada maqalka iyo muuqaalka kulan ku yeelan doona wakiilo ka socda Ruushka iyo Ukraine si ay uga wadahadlaan xaaladda dagaalkan ku sii dhow saddexda toddobaad ee labada dhinac u keenay khasaaraha baaxadda leh.

Ukraine oo aad moodaa in propaganda-da dagaalka ay uga horreyso Ruushka waxay sheegatay in ay Ruushka ka gubtay 77 diyaaradaha dagaalka ah, 90 diyaaradaha khumaatiga u kaca [Helicopter] iyo 389 Taangi- ma jirto cid xaqiijin karta sheegashada Ruushka.

Jarmalku wuxuu ku dhawaaqay inuu soo iibsan doono 35 diyaaradaha dagaalka F35 iyo 15 kuwa loo yaqaan Eurofighter.

Wasiir kuxigeenka arrimaha dibedda Ukraine Marcin Przydacz Poland wuxuu ku tilmaamay weerarka Ruushku ku qaaday saldhiga ciidan ee Ukraine leedahay ee ku yaal xadka Poland in ay ka macno tahay farriin Ruushku u dirayo NATO.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed