Wararkii ugu dambeeyay weerarkii kooxda Al shabaab ay ku qaadeen deegaanka Barujeed ee gobolka Galgaduud

faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ururka Al shabaab ay ku qaadeen deegaanka deegaanka Barujeed oo u dhaxeeya degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada  deegaanaka.

Weerarkaan ayaa la sheegay in uu ku bilaawday gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kadibna waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinac kuwaas oo isku adeegsaday hubkia nuucyadiisa kala duwan, waxana ka dashay khasaaro xooggan oo soo gaaray dhinacyada, balse xogta rasmiga ah ilaa hadda lama helin.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa laga soo xigtay in ciidamada ku sugan deegaanka Al shabaab soo weerareen  in ay iska caabbiyeen, waxayna sheegeen in kooxda ay gaarsiiyeen jab xooggan, hayeeshee weli lama oga khasaaraha rasmiga si madax bannaan , maadama isgaarsiinta deegaanka ay hawada ka maqan tahay.

War kooban oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu yiri ” Khawaarijta ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyey weerarka ay soo qaadeen waxaana ay goobta dagaalka uga carareen Meydad badan oo ay haleeshay rasaasta geesiyaasha,ciidamada ayaa sidii caadiga ahayd ku sugan saldhigyadoodii”

Dhanka kale Al shabaab ayaa baraha internetka ku daabacay in ay guul ka gaareen weerarkii ay ku qaadeen  deegaanka Barujeed ee gobolka Galgaduud.

Si kastaba, HBN oo soo xiganeysa ilo madax bannaan ayaa sheegaya in deegaanka lagu dagaallamay ay ku sugan yihiin ciidamada deegaanka, kuwaas oo iska caabbiyay weerarkii Al shabaab ay dooneysay in ay ku qabsato deegaanka.

Deegaanka Barujeed  oo weerarka lagu qaaday  ayaa qiyaas ahaan 40 KM u jira magaalada Ceelbuur, weerarkaan ayaa ku soo beegamaya iyada oo deegaanada maamulka Galmudug  uu ka socdo howlgallo xooggan oo ka dhan ah Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed