Wararkii ugu dambeeyay weerar Al shabaab ay ku qaadeen deegaanka Nuur-Dugle ee Shabeelada Dhexe

Faah faahinno dheerad ayaa ka soo baxaya weerar Al shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyp kuwa deegaanka  ay ku lahaayeen deegaan ku yaal gobolka Shabeelada Dhexe, oo kamid ah furimaha gobolkaaas ee xiga dhinaca Galgaduud.

Weerarkaan ayaa ka dhacay deegaanka Nuur-Dugle ee gobolka Shabeelada Dhexe, kadib markii ururka Al shabaab subaxnimadii saaka ay weerar ku qaadeen halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, labada dhinac ayaa waxaa xigay oo dhexmaray dagaal muddo sacday oo ka fool ka fool ahay.

Saraakiisha ciidanka Nuur-Dugle ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen Al shabaab ay iska caabbiyeen, jab xooggana ay gaarsiiyeen dagaalamayaasha, saraakiisha intaas waxaa ay raaciyeen in ay gacanta ku hayaan deegaanka, kuna raad joogaan xubnihii weerarka soo qaaday.

Taliyaha Ciidamada Nuur-Dugle Axmed Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in dagaalka ay kaga dhinteen ilaa 4 askari, halka 4 kalana ay ku dhaawacmeen oo ah ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in meydadka Al shabaab ay daadsan yihiin deegaanka oo ay ka carareen, balse faah faahin kama bixin tirada rasmiga ah ee dagaalamayasha looga dilay dagaalkaas.

xaladda aya hadda dagan oo ku soo laabatay sidii hore, sida uu sheegay taliyaha ciidamada isku dhafka ah ee ku sugan degaanka Nuur-Dugle ee gooblka Shabeelada Hoose.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed