Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Baydhabo.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada ayaa maanta shir ka furmaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah Koofur Galbeed.

Madasha Wadatashiga Qaranka ee Baydhabo ka furmaya ayaa lagaga arrinsanayaa qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal heer dowlad goboleed iyo arrimo kale oo qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-shabaab.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Abdi Bare, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen iyo Madaxweyniyaasha Galmudug iyo Hirshabelle Ahmed Cabdi kaariye Qoor Qoor iyo Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe, ayaa sugan magaalada Baydhabo oo lagu daray kan Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la soo warrinayaa in uusan ka qeyb galeyn shirkan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed