Wararkii ugu dambeeyay qaraxii xoogganaa ee maanta ka dhacaay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiirran

In ka badan 10 ruux ayaa  dhimatay , tiro intaas ka badana  waa ay ku dhaawacmeen kadib gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday koontaroolka gaadiidka lagu hubiyo, canshuurahana lagu qaado oo ku yaal magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Koontaroolka la weeraray ayaa ku yaala dhismihii warshadii hore ee Cabitaanka ee Horseed, qaraxaan ayaa gesytay sidoo kale burur xooggan oo soo gaaray aaggii kuu ku qarxay.

Gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in damcay in uu xoog kaga gudbo kootaroolka, balse ciidamada ammaanka ayaa ku furay rasaas kadibna halkaas ayuu ku qarxay asaga iyo qofkii waday.

Dhanka kale  saraakiisha ammaanka ayaa ka gaabsadeen inay ka hadlaan khasaaraha ka dhashay weerarkan, masuuliyadda weerarka waxaa  sheegtay Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, xilli siyaasiyiin reer Beledweyne ah ay isku diyaarinayeen in ay qaadaan howlgalo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda gobolka Hiiraan. Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, ayaa Khamiistii u ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb, si uu ula kulmo Madaxweyne Xasan Sheekh, oo uu kala hadlo arrimo ku saabsan hawlgallada Ciidamada.

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay 36 kalena waa ay ku dhaawacmeen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan bishii Oktoobar ee sannadkii hore, kaddib markii s baabuur oo qaraxyo ah ay ka fuliyeen Al-shabaab.

Dadka ku dhintay  waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh Maadey iyo wasiirkii caafimaadka ee gobolkaasi Sakariye Maxamed Axmed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed