Wararkii Ugu Dambeeyay Madaafiic Lagu Garaacay Laascaannood iyo Xiisad Taagan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weeraro madaafiic ku bilaawday oo maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolk Sool, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ku dagaalamayeen Ciidanka Somaaliland iyo Kuwa deegaanka ee SSC-khaatumo.

Goobjoogaal ayaa sheegay in ciidanka Somaliland ay madaafiic ku soo tuureen gudaha magaalada Waxana jawaaab ka bixiyay ciidanka deegaanka, dhawaqa hubka ayaa laga maqlay guud ahaan deegaanka, in muddo ah ayana la maqlayay hubka ay is dhaaf sadeen laba dhinac.

Wararka ayaa intaasi ku daray in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac ka dashay madaafiicdaasi, basle si rsasmi ah looma xaqiijin khasaaraha dhabtaa ee ka dashay, dhanka kale waxaa jiro burbur soo gaaray gudaha magaalada dhismooyin ku yaal oo ah haleeshay madaaffiicda.

Xiisad ayaa ka taagan goboolka, waxana laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan labada dhinac ee isku haya, maamulka magaalada Laascaanood, dadka deegaanka ayaa dareemaya cabsi xooggan oo ku aadan in dagaalo horleh ay dhici karaan.

Laascaanood ayaa marti galisay dagaalo badan taniyo bilaawgii sannaadkii bishii 2-aad markaas oo uu bilaawday dagaalkaam, waxana lagu guul dareystay wada hadalo lagu doonayay in lagu qaboojiya xaaladda.

                    HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed