Wararkii Ugu Dambeeyay Howlgallada Ciidanka Dowlada ee Degamda Galcad.

Ciidanka dowladda iyo Kuwa Deegaan ka ayaa howlgalo Culus ka sameeyay gobolka Galgaduud gaar degmada Gaclad ee laga Saaray Al shabaab Maalmo kahor.

Ciidamadda Dawlada Soomaaliya oo wata Gaadiidka dagaalka iyo kuwa degaanka ayaa bilaabay Amniga lagu xaqiijinayo kawaada degmada Degmada Galcad iyo iyo degaanno kale oo ka tirsan degmadaas.

Sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa ciidanka xoreeyey Galcad ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka degmadaas iyo qeybo kale oo ka mid ah bulshada magaalada, iyagoo u cadeeyey in mar dambe aysan ka bixi doonin magaalada oo Shabaab uusan dib ugu soo laaba doonin.

Odayaasha ayaa soo dhaweeyay hadalka Saraakiisha Ciidanka waxana la isla qaatay in ay kawada shaqeeyaan ammaanka Deegaanka iyo dib usoo celinta adeegga dadweynaha ee magaalada.

Saraakiil ka Tirsan Ciidanka xoogga dalka kuna sugan degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Hawlgalkan U jeedkiisa uu yahay sidii looga hortagi lahaa suurtagalnimadaa weeraro ay qorsheynayaan Alshabaab in ay ku so qaadaan fariisimaha Ciidaanka Dawlada iyo kuwa degaanka ay ku leeyihiin degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Howlgalladaan ayey sheegeen Saraakiishu in ay fure u yihiin xorreeynga degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri oo ah magaalooyinka ugu waaweyn ee gobollada dhexe ay xiligaan Al-Shabaab ay ku xooggaan yihiin.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed