Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Laascaanoonood

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa faah faahin ka bixiyay tirada  maxabiista ay ku qabtaan dagaalkii shalay ka dhacay taliska Goojacadde ee duleedka Laascaanood, iyaga oo maata soo qabtay tiro kale oo ku dhumay dhulka howdka ah ee gobolka.

SSC-khaatumo ayaa sheegay in ay maanta qabteen ku dhawaad 30 askari oo ka tirsanaa ciidanka Somaliland, isla markaana maanta laga soo heley dhulka miyiga ah ee gobolka Sool.

Sida ay maamulka SSC-Khaatumo xaqiijiyeen maxaabiista ay gacanta ku hayaan ayaa isu-geyn kor u dhaafaysa ilaa 200 oo maxbuus. Arrintaan ayaa ku soo beegmeeysa iyada oo shalay war ka soo baxay Somaliland lagu sheegay in ay jiraan ciidamo kaga dhumay goobihii lagu dagaallamay.

Ciidamada deegaanka ee maamulka SSC-Khaatumo ayaa taniyo shalay waxaa ay warbaahinta bulshada ku soo bandhigayeen maxabiis kala duwan kuwaas  qabay dhaawacyo, oo uu ku jiro talihii guud ee taliska Goojacadde ee Somaliland Faysal Cabdi Bootaan, kaas oo kamid ah saraakiisha ugu sarresa maamulkaasi.

Si kastaba, xaaladda ayaa maanta daggan, goobihii shalay laga saaray ciidamada Somaliland ayaa waxaa joogo ciidanka deeganka, dhanka goobjoogayaal ku sugan Laascanood ayaa ku warramaya in dadka deegaanka ay bilaabeen in ay dib ugu soo laaabtaan magaalada oo muddooyinkii dambe aheyd furin dagaal.

Dhankakale  madaxda SSC-Khaatumo oo ay weheliyaan golaha sare ee Isimada dhaqanka ayaa soo  dhaweeyey wafdigii u horreeyey ee yimaado Laascaanood taniyo shalay,
wafdigaan ayaa waxaa hogaaminayey Suldaan Garaase iyo guddoomiyaha xisbiga Mideeye ee Puntland Asad Diyaano, kuwaas oo kulan la qaatay madaxda sare ee maaulka SSC-khaatumo.

HBN NEWS DESK

 

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed