Wararkii ugu dambeeyay dhulgariirkii ku dhuftay dalka Morocco

Ugu yaraan 2,012 qof ayaa ku dhintay 2,059 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib dhulgariir xooggan oo ku dhuftay Morocco, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi wararkii ugu dambeeyay ee maanta.

Dhaawacyada waxaa ku jira 1,404 xaaladood oo halis ah, sida laga soo xogtay goobaha caafimaadka, tiro koobkii ay soo gudbiyeen.

Dhimasho ka dhashay dhulgariirkan oo lagu qiyaasay 7 ayaa ka dhacay gobollo kala duwan, oo ay ku jiraan El-Houz, Taroudant, Chichaoua, Tiznit, Marrakech, Azilal, Agadir, Casablanca iyo Youssoufia, ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaankii ugu dambeeyay.

Tirada dadka ku dhintay dhulgariir xooggan oo ka dhacay dalka Morocco ayaa kor u dhaaftay 2,000 oo qof, iyadoo tiro intaas la egna ay ku dhaawacmeen, wili waxaa jiraan meeydad hor leh uu ku jiro dhismayaalkii soo dumay.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in in ka badan 1,400 ay qabaan dhaawacyo halis ah, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka dhacay gobollo dhanka koonfureed ka xiga magaalada Marrakesh.

Boqor Maxamed VI wuxuu ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah wuxuuna amar ku bixiyay hoy, cunto iyo gargaar kale oo loogu talagalay kuwa badbaaday.

Dad badan ayaa habeenkii labaad ku hoyanaya goobo cidlo ah, markii ay ka carareen guryahoodii, caruur iyo haween ah ayaa ugu badan dadkaas, sida ay sheegeen wariyaasha tagay goobaha.

Dhulgariirkan oo lagu qiyaasay 6.8 ayaa habeenimadii Jimcaha ku dhuftay Marrakesh iyo magaalooyin badan. Dhulka buuraleyda ah ee fogfog, dhammaan tuulooyinka ayaa lagu soo warramayaa inay dhulka la simeen, marka la eego baaxada uu gaaray.

Kooxaha gurmadka ayaa wado baaritaanno hor leh oo ku saabsan raadinta dad laga cabsi qabo in ay ku hoos jiraan dhismooyinkii burburay, iyada oo saacad walbe la soo saaraayo meydad hor leh iyo dad qabo dhaawacyo halis ah.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed