Wararkii ugu dambeeyay dagaalladii Israa’iil iyo Falastiin ee maanta iyo khasaaro kala duwan oo ka dashay

Gantaallo culus ayaa Israa’iil looga soo riday marinka Qaza, iyadoo dagaalyahannada dhulka Falastiin ay go’doomiyeen aaggaga weeraradu ka dhaceen sida ay sheegeen ciidamada iyo dhakhaatiirta.

Kooxda Islaamiga ah ee Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa qaadday weerarki ugu weynaa ee muddo sanado ah, oo ay ku beegsadeen  Israa’iil , halkaas oo ay ku dileen in ka badan 20 qof maanta, iyada oo dhanka kale wili ay jirto xiisada xooggan.

Dhanka kale wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegaty  in ugu yaraan 22 Israa’iiliyiin ah  ilaa hadda lagu dilay weerarka, in ka badan 250 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay iyaga oo soo xiganaya adeegga ambalaasta ee Israa’iil, balse waxa ay intaa ku dartay in la filayo in khasaaruhu kordho.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyeen Qaza, halkaasoo goob joogayaal ay sheegeen inay maqleen qaraxyo xooggan oo ay ku dhinteen ugu yaraan 2 qof.

Weerarkan lama filaan ah oo ay fuliyeen rag hubaysan ayaa gudaha u galay magaalooyinka ciidamada Israa’iil ay ku sugnaayeen iyo gantaalada laga soo ganay marinka Qaza.

Israa’iil ayaa sheegtay in kooxda ay Iran taageerto ay ku dhawaaqday dagaal sida ay ciidankeeda u xaqiijiyeen in ay dhowr dagaalyahan  kula dagaallamayaan magaalooyin badan oo Israa’iil joogeen iyo saldhigyo ciidan oo ku dhow Qaza, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku maray in ay ka aargudan doonaan.

Weerarkan ayaa muujinaya duullaan aan horay loo arag oo rag hubaysan oo Xamaas ah ay gudaha Israa’iil uga gaysteen Qaza, waana mid ka mid ah weerarradii ugu darnaa ee soo mara colaadda Israa’iil iyo Falastiin ee sannado badan.

Telefishinka Israa’iil ee Reshet 13 TV News ayaa sheegay in kooxaha Falastiiniyiinta ay dad Israa’iiliyiin ah ku haysteen magaalada Ofakim, iyadoo shan ka mid ah mintidiinta Falastiiniyiinta lagu dilay magaalada Sderot, guryona la gubay, sida ay hadalka u dhigeen.

Garabka hubaysan ee kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa ku dhawaaqay inay ka danbeeyeen weerarka dhanka cirka ah, iyagoo ku andacoonaya in dagaalyahanadooda ay soo rideen in ka badan 5,000 oo gantaal.

Milatariga Israel ayaa sheegay in Xamaas ay bilaabeen “toogasho weyn oo gantaallo ah”, isla markaana ay gudaha u galeen dhulka Israa’iil dhowr meelood oo kala duwan”sida ay sheegteen.

Israa’iil ayaa xayiraad curyaaminaysa ku soo rogtay Gaza tan iyo 2007dii kaddib markii Xamaas ay xukunka la wareegtay. Dagaalyahannada Falastiiniyiinta iyo Israa’iil ayaa tan iyo xilligaas ku dagaallamay dhowr dagaal oo khasaare geystay ayaa dhacay.

Rabshadaha ugu dambeeyay ayaa daba socday xiisad kacsanaan ah bishii Sebtembar, markii Israa’iil ay xirtay xudduudda shaqaalaha Gaza muddo laba toddobaad ah.

Ilaa hadda sanadkan ugu yaraan 247 falastiiniyiin ah, 32 Israa’iiliyiin ah iyo laba ajaaniib ah ayaa lagu dilay iskahorimaadka, oo ay ku jiraan dagaalyahanno iyo rayid labada dhinac ah, sida ay sheegeen saraakiisha Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Dhimashada ugu badan ayaa ka dhacday Daanta Galbeed, oo ay Israa’iil si sharci darro ah u qabsatay tan iyo 1967dii iskahorimaadka Carabta iyo Israa’iil.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed