Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka dhacay deegaanka Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar ururka Al Shabaab ay gelinkii dambe ee Jimcihii ay ku qaadeen fariisimo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Ceel-lahelay oo dhawaan laga saaray dagaalyahannada.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, labada dhinac ayaa isku adeegsaday hub culus, waxaana hakad galay isgaarsiinta tuulada dhexdeeda. Ilaa hadda lama oga inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalkaas oo lagu sheegay in ahay mid kamid ah kuwii ugu dadkaa muddooyinkaan.

Saraakiisha dowladda ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan weerarka, iyadoo Al shabaab ay sheegtay inay la wareegeen gacan ku haynta tuulada war ay xalay soo saareen. Sheegashadooda si madax banaan looma xaqiijin ilaa iyo hadda, laakiin warar kale ee xooggan oo aan ka helnay deegaanka ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku sugan yihiin xilligaan.

Sidoo kale warar qaarkood ayaa sheegaya in Al shabaab deegaanka ay qabsadeen ka hor inta aysan ka bixin markale, iyaga oo la kulmay duqeyn dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaarado dagaal oo duqeyn xooggan ka fuliyey goobo ay ku sugnayeen.

Weerarkan ayaa dhacay saacado kadib markii madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Qoor Qoor uu ka badbaaday qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay deegaanka Laas-Gacamey ee gobolka Mudug. Balse labo xildhibaan oo ka tirsan dowladda federaalka ayaa ku dhaawacmay weerarka.

Xildhibaan C/salaan Xaaji Dhabancad ayaa sheegay in isaga iyo Senator Cabdi Xasan Qaybdiid ay soo gaareen dhaawacyo fudud, kaddib markii ay ku soo dhaceen qaybo ka mid ah darbiga qaraxa lala eegtay.

Si kastaba xaaladda ayaa daggan maanta, waxana halkaas ku sugan cidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka sida aan ka soo xignay ilo xog ogaal ah, balse ilaa hadda xukuumadda Soomaaliya faah faahin dheeraad ah kama bixin dagaalkaas khasaarihii ka dashay.

Warkaan wixii ka soo kordha halkaan kala soco haddii Alle idmo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed