Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Laascaanood.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxata Dagaal culus ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay saddex jiho oo kamid ah duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo Ciidanka degaanka .

Dagaalka ayaa ka bilaaeday Jihada Galbeedka oo ah buuraley ku dhaw magaalada waxana la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana is istaagay isku Socodka magaalada.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in mararka qaar Hoobiyaal  kusoo dhacayaan gudaha Magaalada Laas-Caanood oo badi dadkii deganaa ay ka barakaceen.

Ilaa hadda lama xaqiijin khaasaraha dhabtaa ee ka dhashay dagaalka, waxaana wili taagan Xiisad dagaal oo Xooggan, labada dhinac ayaa wada abbaabul hore leh.

Guddiga SSC ee Khaatumo ayaa Soomaaliland ku eedeeyay in ay  maalintii 4-aad ee Ramadaan weerar ay ku soo qaadeen Ciidanka Soomaaliland gudaha magaalada iyo goobihii ay ku sugnaayeen Ciidankooda, iyaga oo sheegay in dhibaatada dhacday ay masuul ka yihiin iyaga.

Dhanka kale Soomaaliland ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Ciidankeeda weerar lagu soo qaaday kadibna ay is difaaceen, iyada oo eedeeyn u jeedisay dhinaca ka soo horjeedo oo ay isku hayaan xukunkq magalaada laascaanood.

Dagaalka ka socda Magaalada Laas-Caanood ayaa kusoo aadaya xilli Maanta la filayo inay halkaasi tagaan Odayaal dhaqan oo ka tegay Magaalada Muqdisho oo shalay gaaray Garoowe si ay waan-waan uga  dhex bilaabaan SSC iyo Somaliland.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed