Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Dib Uga Qarxay Laascaanood

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal Xooggan oo u dhexeeyay Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee la Magac baxay SSC.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in dagaalka u ahaa mid Culus oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, kaas oo laga maqlay guud ahaan deegaanka waxana jiro in madaafiic ay ku soo dhaceen magaalada.

Dagaalka ayaa kadib sida la sheegay markii Ciidanka Somaliland ay bilaabeen dhaqdhaqaaq Ciidan taasina ay sababtay in uu qarxo dagaal labada dhinac ay ka qeyb qaateen, Khasaaraha dhabta ah lama xaqiijin balse wararka sheegaya in labada dhinac ay soo gaareen khaasaro kala duwan.

Mid kamid Saraakiisha hoggaamineysay dagaalka ee Ciidanka deegaanka ayaa laga soo xigtay in ay guul ka gaareen dagaalka maanta ka dhacay magaalada Laascaanood, waxaa uu intaas ku daray in weerarka ay soo qaadeen Ciidanka Soomaaliland.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Soomaaliland ee ku aadan dagaalka maanta iyo eedda ku saabsan in ay iyagu qaadeen weerarka.

Dhowr jeer ayaa la isku dayay in la joojiyo dagaalka, baaqna loo diray dhinacayada isku haya Magaalada balse wili wax guul ah lagama gaarin, Somaliland ayaa ku adkeysaneysa in ay sii joogayaan gobolka halka kuwa deegaanka aysan dooneyn in isku dhiibaan Hargeysa.

Hbn News Desk, Muqdisho 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed