Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Ka Qarxay Laascaanood Markale.

Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, dagaalkaan ayaa dhexmaray Ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka SSC-kbaatumo.

Dagaalka ayaa ka dhacay dhinaca bari ee magalaada, gudaha magalaada ayaa waxaa ku soo dhacay madaafiic kala duwan oo sababay burbur kala duwan sida ay sheegeen goobkoogayaal ku sugan Laascaanood kuwaas sidoo kale ku warramay in ay jiran waxleeyo soo gaaray dad shacab ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka deegaanka ayaa sheegey in weerar ay ku soo qaadeen Ciidanka Somaliland, kadibna ay iska caabiyeen,  waxana dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ilaa hadda lama xaqiinin khasaaraha dhabtaa ee ka dhashay dagaalkaasi.

Xiisada ayaa wili taagan, iyada oo wili ay socdaan dhaqdhaqaaq ciidan oo labada dhinac ah,  iyada oo ay casbi qabaan dadka deegaanka kuwaas oo inta badan khasaaro kala kulma hubka ay isku ridayaan Ciidanka isku haya gacan ku heynta Laascaanood.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed