Wararkii u dambeeyay rabshadaha Faransiiska

Habeenkii afaraad dalka Faransiiska waxaa ka taagan rabshadaha & carada ka dhalatay dilka wiil 17 jir ah oo asal ahaan ka soo jeeda Waqooyiga Afrika oo booliisku toogteen, balse saraakiisha ammaanka ayaa ku andacoonaya in rabshaduhu hadda yaraanayaan marka loo eego habeennadii ka horreeyay.

Booliiska ayaa xabsiga u taxaabay 700 qof oo hor leh kuwaasi oo laga qabqabtay guud ahaan dalka, iyadoo ciidammo xooggan la soo dhigay wadooyinka magaalooyinka iyo goobaha halbowlaha u ah ganacsiga iyo maamulka.

Kumanyaal Booliis ah oo dheeraad ah ayaa lagu xoojiyay ciidamada iyadoo shalay la dhigay aaskii wiilkii yaraa ee dilkiisu ka dhasheen rabshadaha oo lagu aasay magaalada Nanterre.ee dhacda duleedka caasimada Paris.

Inkastoo booliisku sheeganayaan in rabshaduhu ka hooseeyaan kuwii hore haddana qulqulatooyinkii u dambeeyay waxaa gaari lagu weeraay gaari uu lahaa duqa degmo ku taal koonfurta magaalada Paris.

Farriin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Vincent Jeanbrun wuxuu ku sheegay in gaari lagu dhuftay gurigiisa, isla markaana dhaawac uu ka soo gaaray xaaskiisa iyo caruurtiisa.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa dib u dhigay booqasho maanta oo Axad ah oo ku tagi lahaa dalka Jarmalka si uu u maareeyo rabshaha dhulka la galay dalkiisa.

WARQABADKA HBN

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed