Wararkii u dambeeyay duullaanka Israel ee Jenin & sida looga falceliyay

Rasaas goos goos iyo dhawaaqa qaraxyada ayaa laga maqlayaa xerada qaxootiga Jenin ee dhulka Falastiin halkaasi oo shalay uu ka dhacay iska horimaadkii ugu xumaa ee daanta Galbeed ku dhexmara ciidamada Israel & xooggaga hubaysan ee Falastiiniyiinta muddo badan 10 sano.

Tirada Falastiinyiinta ku geeriyootay iska horimaadkii shalay ayaa gaartay 10 waxaana dhaawacu uu ka badan yahay 60, sida laga soo xigtay laamaha caafimaadka.

Maamulka Falastiiniyiinta ee uu hoggaamiyo Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay in gabi ahaanba ay joojiyeen xiriirkii iyo iskaashigii dhanka ammaanka oo ay la lahaayeen xukuumada Israel.

Afhayeen u hadlay madaxtooyada Falastiiniyiinta oo lagu magacaabo Nabil Abu Rudeineh ayaa nuuxnuuxsaday in ka dib kulan ay ku yeesheen magaalada Ramallah, hoggaanka Falastiniyiinta ay ku qaateen go’aankan, isagoo intaasi ku daray in dhammaan isfahamkii iyo ballamihii lagu gaaray shirarkii Aqaba & Sharm El Sheikh aanay gabi ahaanba jiri doonin.

Geesta kale, dagaalyahanka Falastiin ee Godka Liibaaxyada oo shalay si adag jilibka ugu laabay duullaankii ciidamada Yuhuuda ayaa ku dhawaaqay inay wadaan ciidamo urursi iyagoo nidir ku maray inay iska caabin doonaan weerar kasta oo uga yimaada dhanka Israel.

Qaramada Midoobay oo ka hadashay iska horimaadyadii ugu dambeeyay ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay rabshadan cusub waxaase ay ka gaabsadeen inay cambaareeyaan diyaaradaha Drons-ka Israel u adeegsatay weerarkii shalay ay ku qaaday Jenin.

Farhan Haq, oo ah kuxigeenka afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo su’aalo laga waydiiyay sida Qaramada Midoobay u aragto weerarka Israel ee diyaaradaha Drons-ka ayuu ka meermeeray in uu cambaareeyo, isagoo isku koobay oo kaliya inay ka xun yihiin in goobaha shacabku degan yahay in lagu dagaalamo.

Mar Haq ayaa yiri “Waxaan mar walba sheegaynay in aan la aqbali karin in weerarro hubeysan lagu qaado goobaha ay dadka ku badan yihiin”, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa mar kale waxaa uu yiri.

“Inkasta oo Israa’iil ay awood u leedahay inay fuliso hawlgallo ammaan ah, haddana waa inay ka fogaataa waxyeellada shacabka iyo burburinta kaabayaasha rayidka.”

Mar la waydiiyday xaqqa dadka Falastiin u leeyihiin inay is difaacaan ayaa waxaa uu yiri:

“Dadka oo dhami waxay leeyihiin xuquuq waxaana hubaal ah inay xaq u leeyihiin inay naftooda difaacaan. Waxa aan doonayno waa in aan xaqiijinno in dhammaan dhinacyada ay dejiyaan xaaladda halkaasi ka jirta”.

Docda kale, Mareykanka ayaa sidii caadada u ahayd wuxuu la saftay Israel, isagoo tilmaamay in Israel xaq u leedahay inay is difaacdo.

Turkiga ayaa ku biiray dalalka Islaamka sida ba’an u cambaareeyay duullaanka Israel ee Jenin, war ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibedda ayaa loogu baaqay in Israel joojiso xadgudubyada ay ku hayso Falastiiniyiinta.

Ururka Dhakhaatiirta aan xudduuda lahayn ayaa dhalliilay in laga horistaagao hawlwadeennada caafimaadka inay gargaar u fidiyaan dadka dhaawaca ah.

Israel hadalkii u dambeeyay ee ay ka soo saartay duullaankeeda Jenin waxay ku sheegtay in uu ku dhow yahay dhammaad hawlgalkaasi, sida uu warbaahinta u sheegay Tzachi Hanebi oo ah La Taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’isalwasaaraha Israel.

Warqabadka HBN Online

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed