Wararkii u dambeeyay afgambiga ciidan ee ka dhacay dalka Niger

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa afgambigii ciidan ee shalay ka dhacay dalka Niger ee galbeedka Afrika, iyadoo koox ka tirsan ciidamada ay ku dhawaaqeen inay xukunka ka tureen madaxweyne Mohamed Bazoum.

Ciidamada oo xalay khudbad ka jeediyay telefishinka qaranka ayaa waxaa u hadlay gaashaanle sare Amadou Abdramane, waxaana uu sheegay in sababta ka dambeysa afgambiga ay tahay amni xumada dalka ka taagan, dhibaato dhaqaale iyo mid bulsho.

Askarta ayaa ku dhawaaqay inay laaleen dastuurkii, waxay sheegeen in dalku ku jiro xaalad deg deg ah, isla markaana la xiray dhammaan xuduudaha, iyadoo la soo rogay bandow ka bilaamanaya 10- fiidnimo ilaa 7-da subaxnimo.

Inkastoo ciidamadu ku dhawaaqeen ina taladii la wareegeen haddana goor dhoweyd madaxweyne Mohamed Bazoum, farriin uu ku qoray bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in “Guulihii adkaa ee la gaarayla ilaalin doonaa”, isagoo sheegay in dadka reer Niger looga baahan yahay inay difaacdaan dimuqraadiyada.
Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibedda Hassoumi Massoudou ee xukuumadii madaxweyne Bazoum ayaa isaguna ku dhawaaqay in uu yahay hoggaamiyaha dalka, waxaana uu tibaaxay inuu la hadlay madaxweyne Mohamed Bazoum oo uu nabad qabo.

Hassoumi Massoudou ayaa ku andacooday in uu fashilmi doono isku dayga afgambi isla markaana dawladii la soo doortay ay tahay tan sharciga ah ee dalka jirta.

Dalalka caalamka qaarkood ayaa ka falceliyay afgambiga, Mareykanka & Sacuudiga ayaa war ay si kala duwan u soo saareen waxay ku sheegeen inay garan taagan yihiin madaxweyne Bazoum, iyagoo cambaareeyay tilaabada ciidamada.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa isna sheegay inuu telefoonka kula hadlay madaxweyne Mohamed Bazoum, uuna u muujiyay taageeradiisa.

Dalalka Galbeedka Afrika ayaa muddooyinkan waxaa ku soo kordhayay afgambiyada ciidan, dalalka Mali & Burkina Faso ayaa waxaa ka dhacay afgambi talada ay kula wareegeen saraakiil ciidan kuwaasi oo meesha ka saaray xiriirkii ay lahaayeen Faransiiska, waxayna la sameysteen iskaashi Ruushka.

Halkan ka daawo ciidamada oo ku dhawaaqaya inay xukunka la wareegeen

Warqabadka HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed