Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in boqolaal ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland in saaka ay kaga biireen Ciidamada Xoogga Dalka ee jooga degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Taliyaha guutada 10-aad qeybta 43-aad ee Ciidamada dhulka Xoogga Dalka Gaanshaale dhexe Aaden Siyaad oo qudbad kooban u jeediyey ciidamadan ku soo biiray ayaa sheegay in lagu dari doono diwaanka ciidamada qaranka iyo in xaquuq sax ah ay ka heli doonaan dowladda.
Sida oo kale, Saraakiisha huggaaminayey ciidamadan oo sheegay in Jubbaland ay ka tirsanaayeen ayaa tilamaamay in muddo sanad ah sida hadalka ay u dhigeen ay xaquuq ka helin Maamulka ay hoos tagi jireen.
Warbaahinta afka dowladda ku hadasha ayaa sheegtay in ciidamada magaalada Beledxaawo kaga soo biiray dowladda ay gaarayaan ku dhawaad 300 oo askari, kuwaa oo ka soo baxay sida hadalka loo dhigay safka Jubbaland.
Dhinaca kale, Wasiirka amniga gudaha Jubbaland Sareeye Gaas Yusuf Xuseen Cismaan Dhumaal ayaa beeniyay warar sheeagaya in Ciidamo Jubaland ka tirsan oo ku sugnaa degmada Baladxaawo in aanay ku biirin Ciidamada Xoogga Dalka.
Qoraal kooban oo uu soo saaray Wasiirka Amniga Gudaha Jubaland oo lagu baahiyey barta Facebook ee TV-ga maamulka ayaa lagu yiri “Waxaan si cad u beeninayaa in aysan jirin ciidamado katirsan dowlada jubbaland oo darawiish ah oo ku sugan Beledxaawo, arintaas oo ah mid lagu qaldayo dowlada fedraalka iyo shacabka reer gedo”.
Marka laga soo tago sheegashooyinka labada dhinac, waxaa ilo xog ogaal ah oo HBN ONLINE TV la xariirtay ay u sheegeen in ciidamo ka tirsanaa Jubbaland in saaka ay u galeen ciidamada dowladda ee degamada Beledxaawo.
Isha ku haay HBN ONLINE TV