Waxaa war ka soo baxay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS) shacabka deeganadiisa looga diray fariin digniin ah oo ah inay u dhowaaan ama ku suganan goobaha ay joogaan xoogaga daacadda u ah madaxweynihii hore ee maamulkaasi, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, & dagaallamayaasha kooxda Alshabaab.
Wasiirka Amniga KGS Isaaq Maxamed, ayaa sheegay in maamulka uu qorsheynayo duqeymo iyo howlgallo ka dhan ah Alshabaab, isagoo shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxahaasi.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in duqeymo lagu beegsan doono goobaha Alshabaab ay kaga sugan tahay deegaannada Koonfur Galbeed, wuxuuna shacabka amray inay taxaddar muujiyaan, gaar ahaan meelaha ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyada ciidan & kuwa loo aqoonsan yahay bartilmaameedyada ciidamada.
Digniintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Koonfur Galbeed uu ka jiro khilaaf siyaasadeed & mid amni oo u dhexeeya maamulka cusub ee taageerada ka helaya dowladda federaalka iyo dhinacyada taageersan Laftagareen. Alshabaab ayaa qaybo ka mid ah gobollada maamulkaasi iyo Baydhabo ka fuliyey weeraro.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda & ciidamada ammaanku ay diyaar u yihiin inay qaadaan tallaabooyin milatari oo ka dhan ah Alshabaab, isagoo mar kale shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha ay kooxahaasi ku sugan yihiin.
HBN ONLINE TV

