Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo dhanka cirka ah oo saaka laga fuliyay Galgaduud iyo xaaladda oo kacsan

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday deegaanka Ceel-la-helay iyo goobo u dhaw ee gobolka Galgaduud kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka.

Weerarkan oo loo maleynayo in ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa lagu taageerayay ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira iska caabinta weerarka ka dhacay tuuladaas oo ku taalla agagaarka degmada Ceelbuur oo saldhig muhiim ah u ah Al-Shabaab.

Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeynta diyaardaaha ay fuliyeen saaka, iyadoo xaaladu ay tahay mid kacsan, waxaana labada dhinac dhexmaray dagaal ku bilowday kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

HBN uma suuragelin in ay hesho mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, xilliga uu weerarka dhacayay, iyo sidoo kala saraaakiisha ciidamada dowladdu kuwaas oo ka gaabsaday i9n ay ka hadlaan weerarkaas. Dowladda Federaalka ayaa weerar ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab ku qaaday deegaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

Ma cadda dalka laga leeyahay diyaaradaha dagaalka ee fuliyay duqeynta. Mareykanka ayaa Soomaaliya ka jooga ciidamo tiro yar si ay u taageeraan ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sii wada weerarada ay ka fulinayaan gudaha Soomaaliya iyo dowladaha deriska la ah Soomaaliya, iyagoo beegsanaya dadka rayidka ah, dowladda Soomaaliya, iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Bishii Agoosto 2022, Maxamuud wuxuu bilaabay dagaal guud oo ka dhan ah al-Shabaab. Wajigii hore ciidamada Soomaaliya ayaa isku uruursaday gobolada dhexe ee Galmudug iyo Hirshabeelle iyo, iyagoo taageera ka helaya ciidamada beelaha deegaanka ee ka soo horjeeda joogi taanka  Al-Shabaab.

Ilaa iyo hadda dowladda Faderaalka Soomaaliya wax war ah kama soo saarin duqeyntaas, iyo dagaalkii shalay gelinkii dambe ka dhacay Ceel-lahelay.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed