War-saxafadeed Ka Soo Baxay Beesha Caalamka Xaaladda Soomaaliya.

Wakiilo ka socday saaxiibada taageero Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan xaaladda Soomaaliya sida arrimaha ammaanka, siyaasadda iyo dhinaca taageerida arrimaha bini aadanimada, kulanka ayaa looga doodday arrimo kala duwan oo taabanaya dalka guud ahaan.

Wakiiiladaan Dooxa ku kulmay  ayaa ka kala socday Qatar,  Soomaaliya,Turkiga, Imaaraatka carabta,  Ingiriiska  iyo Mareykanka dhammaantood taageero u muujiyay dowladda Soomaaliya sidii loo hormarin lah  horumarka amniga,xasiloonida siyasaadeed, xoojinta hay’adaha dowliga ah iyo isku xirka dagaalka looga soo horjeedo Alshabaab oo lagu daray kaalmada caalamiga ah ee dhinaca amniga.

Dhanka kale waxay si buuxda u taageereen go’aanka dowladda Soomaaliya ay kula wareegeyso amniga guud eed alka markii uu dhammaado waqtiga  Ciidanka Midawga Afrika ee ATMIS dhammaadka sannakda soo aadan ee 2024.

Saaxiibbada Soomaaliya  aya lafaguray ahmiyadda ay leedahay hubinta xasillooni dalka  iyo dowlad wanaag in laga hirgeliyo deegaannadii dowladda  laga xoreeyay kooxda Al-shabaab iyo sida ay uga go’an tahay saaxiibbada caalamiga ah isku- duwidda kaalmo lagu xasilinayo deegannadaasi oo ah mid ay dowladda Soomaaliya hoggaamin doonto.

Saaxiibada ayaa sidoo kale taageereen dedaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixinayso xal u helista colaadda muddada dheer ka taagan magaalada Laascaanood, iyo xal u helida dhinacyada ku dagaalamaya  si loo joojiyo dhibataada gobolka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed