War Helaa Talo Hela

Waxaa Qoray: Maxamed Maxamuud Cadde
Saxafi/Falaneeya Siyaasadda

Dowladnimadda Soomaaliya ayaa waxay qarka u saaran tahay burbur, Ilaah oo naceemiye mooyaane iyo dad xil kas ah oo dowladnimo wax ka yaqaana oo dalkan u adeegi kara iyo dadkiisa kala irdhoobay, kala bedbaadin kara in ay bedesho midan lago eedeeynayo dulmiga iyo gaboodfalladda iyo tayo xumida.

Waxaa hsboon in dib u fiiriyo wararkii ay warbaahintu dadka iyo dalka ka gudbineysay shantii sanno ee la soo dhaafay. Sawirka aad heleyso ayaa waxuu noqonayaa in wararkaasi boqolkii sagaashan ay ahaayeen warar dhiilo, murugo, cudur, dagaal, abaaro iyo khilaaf ka hadlaya oo naxdin leh. Waxaa intaa dheer in dad sheeganaya mas’uuliyiin aysan war iyo wacaal u heyn dhibka dhacay oo ay been cad dadweynaha la hortaagnaayeen habeen iyo maaalin, iyagoo hayay mansabyo aysan u qalmin xaqna u laheyn.

Waxaa wax laga xumaado ah in marka laga soo bilaabo gobolka Gedo ilaa iyo gobolka Sanaag ay ka dhaceen dagaalo aan loo baahneyn oo sad bursi ah oo la isku diray qabaa’ilkii iyo beelihii Soomaaliyeed oo ay aheyd in loo adeego. Dhibka ugu weyn waxaa uu gaaray dad maxas ah oo deegaanadoodii laga baro kiciyay. Meelaha laga qaxay xitaa waxaa ka mid aheyd caasumadda oo bishii Abril 2021kii uu dagaal ka dhacay.

Waxaa ugu daran in siyaasad xumaddii, dastuur ku tumashadii iyo heshiisyo burintii ay keentay in xitaa doorashadii dadbaneyd farsamo xumo awadeed lala yaaban yahay sida wax u socdaan iyo waxa ka soo bixi doona. Marka la fiiro kuraas boobka, ku tagrifalidda awoodda dowlad ku sheega iyo musuq- maasuqa iyo lundashadda hantida dalksa iyo dad weynaha.

Ugu danbeyntii bari baa u mudeysan in doorashadda dadban la soo afjaro. Ilas iyo hadda kuraasta inta badan ee Baarlamaanka Hoose qalad iyo saxba cid baa ku fadhida oo soo helay si kasta ha ku yimaadaanba. Laakiin waxaa wali buuq ka taagan yahay gobolka Gedi 16 kursi ee taala. Horay waxay u shaaciyeen gudiga doorashioyinka in dib loo dhigayo haddii lagu heshiin waayo.( Sawirka xuquuqdiisa waxaa leh Mustaqbal Media).

Si kasta oo uu xaalku noqdo, maadaama uu waqtigii la qabtay uu dhanaanayo habeen danbe, waa la arki doonaa halka ay kuraasta reer Gedo ku danbeeyaan. Soomaalidu waxay tiraaahdaa ‘wax bedso wax beel bay leedahay.’ Waxaa laga yaabaa in ay suurowdo in xulashada gugoonka baarlamaanka la qabto kuraasta Gedo oo maqan. Taana waxay khasaari ku tahay Gedo, mas’uuliyadeeda waxaa qaada cidii diiday in howsha doorashadda deegaankaa lagu qabto.

Waxaa ayaan daro ah in wararkii warbaahinta laga baahiyay ee dhiiladda ahaa aysan cidi wax ku qaadan. Laga soo bilaaabo Beled Xaawo ilaa iyo laascasnood guryo badan bay tacsidu taabatay, iyadoo qoraal iyo muuqaal ah ayaad warkeeda Internetka iyo Baraha Bulshadda laga heli karaa cidii calool u haysa oo rabta in ay baarto. Saxaafadu waa murasyadda laga fiiro mujtamsca, iyadana dhibku waa saameeyo oo dhalinyaro badan baa tacsidooda la dhigay laakiin howshii ay qabteen ayaa Internetka ku ka buuxda.

War iyo dhamaantii, murti baa waxay tiraahdaa ‘war helaa talo hela’. Haddaba war lagu sii, hogaanka iyo dowladda xigta ee nidaamkan faasidka uu dhali doona mashaqaa qoorta u suran… Waxaa laga sugayaa in la isku wado Soomaali kala erdhooday ee hub wada haysata iyo sida looga xisaabtamayo khasaaraha maal iyo mid nafeed ee lagu waayay dowlad xumadda, dagaalka, abaarta, tali xumaddaka dhalatay dastuur iyo qaanuun ku ciyaarida iyo isku dayga talo marooqsiga.

Dhamaad.

AFEEF: Aragtida & macluumaadka qoraalku xambaarsan yahay waxay u gaartay qoraha, kama turjumayso aragtida Horn Broadcasting Network (HBN)

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed