War deg deg ah: Qaraxyo & rasaas culus oo ka socota magaalada Baardheere

Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar ku bilowday laba qarax oo waa weyn iyo rasaas xooggan uu ka socdo xero lagu tababaro ciidanka oo ku taal gudaha magaalada.

Warar HBN ka heshay dad ku sugan magaalada ayaa sheegaya in qaraxa koowaad uu ka dhacay xerada ADC oo lagu tababaray ciidamo Jubbaland ka tirsan oo loo diyaarinayay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, qaraxa labaad ayaa ka dhacay bar koontorool oo ku dhow xerada, waxaana jira khasaase dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa sheegay in weerarku uu ku bilowday qaraxyo isla markaana uu socdo aysanna wax badan oo war ah xilligan dhiibi karin. waxana dhacay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray labada dhinac.

Inta la ogyahay  waxaa ku dhintay ku dhawaad 6 qof , halka ay ku dhaawacmeem  8 ruux  kale oo kala duwan kuwaas oo iskugu jiro askar iyo dad shacab ah,

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u cakiran, waxaana goobta gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ka howlgala halkaasi.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed