War deg deg ah: Qarax & weerar hubaysan oo ka dhacay Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax culus iyo weerar hubaysan uu ka dhacay Hotel ku yaal magaalada Muqdisho gaar ahaan xeebta Liido.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in weerarku ku bilowday laba qarax oo la aaminsan yahay inay ahaayeen ismaadiimin ka dibna ay xigtay rasaas culus, Hotelka la wareeray ayaa lagu magacaabaa Pearl Hotel wuxuuna ka mid ah goobaha ganacsiga ee dhawaan laga guray magaalada Muqdisho.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan iyadoo ciidamada ammaanka ay ku hawlan yihiin inay soo badbaadiyaan dadka ku jira gudaha goobtan oo aad u mashquul ah xilligan oo kale.

Wixii warar ah oo ku soo kordha wararkan halkan ayaan idinkugu soo gudbin doonnaa haddii ALLE idmo.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed