Walaac culus oo laga muujinayo deegaannada ay maraan wabiyada Jubba iyo Shabeelle iyo Kulamo deg deg ah oo looga hadlayo

Kulamo deg deg ah ayaa looga hadlay xiisada ka dhalatay roobabka ka da’ay Wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

Bulshada ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabelle ayaa ku jira feejignaan dheeri ah, maadaama roobabka dayrta ay walaac ka muujinayaan fatahaada Wabiyada Jubba iyo Shabeelle. Dawladaha hoose iyo hogaamiyayaasha ganacsiga ayaa ku biiraya si ay gargaar degdeg ah u fidiyaan kuwa khatarta ku jira.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah xarumaha dowlad goboleedyada ka socday kulamo iyo kulamo looga hadlayay sidii loo samata bixin lahaa dadka ay saameeyeen fatahaaduhu. Dowladda Federaalka oo gacan ka heleysa ganacsatada deegaanka ayaa isku xilqaantay sidii loo yareyn lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan shacabka ku nool magaalooyinka Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle.

Saamaynta fatahaadaha soo socda ayaa ah mid dhinacyo badan leh, iyadoo qoysas badan ay horay uga barakaceen guryahoodii, kuwaasoo hadda ku nool meelo aan la degi karin. Mudnaanta dhow waa in la hubiyo helitaanka waxyaabaha daruuriga ah sida cunto, biyo nadiif ah, hoy, iyo dib u dejin ku meel gaar ah kuwa hadda ku nool meelaha ay fatahaaduhu saameeyeen.

Wararka ayaa sheegaya in madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay wadaan abaabul ku aadan sidii ay ula tacaali lahaayeen magaalooyinka muhiimka ah sida Baydhabo, Qansaxdheere, Buurhakaba oo ka tirsan Koonfur Galbeed, Baardheere, Luuq oo ka tirsan Jubbaland iyo Baladweyne oo ka tirsan HirShabelle.

Dadaalka wadajirka ah ee ay wadaan dowladaha hoose iyo dowladda Federaalka ayaa ah mid lagu badbaadinayo nolosha iyo sidii dadka dhibaateysan ay u heli lahaayeen taageerada lagama maarmaanka ah xilligan adag.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed