Wakiilo ka socday Soomaaliya iyo Qatar uu yeeshay kulan muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya  Cabdalla Salem Al-Nuaimi.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo la xiriira shaqo abuurka iyo wacyigelinta bulshada, horumarinta iskaashiga iyo mashaariicda Wasaaradda iyo dalka Qatar.

Wasiirka ayaa sidoo kale safiirka uga warbixiyay dadaalka ay dowladdu ugu jirto sidii dhalinyarada shaqo loogu abuuri lahaa iyo sidii dhalinyarada loo horumarin lahaa xirfadahooda hal abuurka.

Safiirka ayaa u xaqiijiyay Wasiir Ibraahim in dowladda Qatar ay Soomaaliya kala shaqeyn doonto xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed