Wafdi Ku Wajahan Baraawe iyo Ujeedka

Waxaa maamta lagu wadaa in magaalada Baraawe ay gaaraan Mas,uliyiin ka tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya , Siyaasiyiin , Waxgarad iyo xubno ka socda Maamulka Koofur galbeed, kuwaas oo u kuur galaya shaqaaqadii ka dhacday magaaladaasi halkaas oo ay ku dagaalameen Ciidan kawada tirsan dowladda Soomaaliya.

Ujeedka  Wafdigan ayaa ah  xal u helida dagaalkii Baraawe  ee  sababay khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac oo maalmo ka hor ka dhacay Magaalada Baraawe kaas oo u dhexeyay Ciidamo ka Tirsan Militariga Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Daraawiishta koofur galbeed ee ku  sugan Magaaladaas.

Xubnaha Wafdigaan ayaa kulamo la yeelan doono dhinacyadii dagaalamay, maamulka degmada iyo waxgaradka magaalada, si loo kala qaado ciidanka wili is hor fadhiyo.

Shalay ayey aheyd markii Baarlamaanka Soomaaliya, uu guddi u magacaabay in ay baaritaan ku sameyaan dhacdadaasi.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed