Wafdi ka socda AU oo qiimaynaya dhimista ciidamada ATMIS oo Muqdisho yimid

Wafdi heer sare ah oo ka socda Guddiga Ciidanka Midawga Afrika (MSC) ayaa soo gaaray magaalada  Muqdisho si ay qiimeyn amni ugu sameeyaan qorshaha Dhimista Ciidanka ATMIS Dhamaadka bishan.

Kooxdan oo ka kooban 23 xubnood ayaa wada-hadallo la yeelan doona hoggaanka sare ee hawlgalka ATMIS iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa qorshaynaya in 2000 oo ka tirsan ciidankooda ka hawlgalaya Soomaaliya la dhimo taasi oo u ah gogol xaar qorshaha guud ee la doonayo in ciidamada ATMIS uga baxaan Soomaaliya dhammaadka sanadka soo socda ee 2024.

Dawlada Soomaaliya oo bayaan soo saaray xalay waxay ku sheegtay in ciidamada Soomaaliya u diyaarsan yihiin inay amniga dalka kala wareegaan ciidamada ATMIS.

HBN News Desk

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed