Wafdi heer caalami ah oo ka socdo Golaha Ammaanka oo Muqdisho yimid isla markaana warbixino ka dhageystay hey’adaha ammaanka dalka

Wafdi ka socdo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo kulamo la qaatay madaxda DFS iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo ay ka wada hadleen arrimaha amniga iyo siyaasadda dalka.

Wafdiga C34 ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cali Cumar Balcad, iyagoo ka warbixiyay horumarka laga sameeyay dagaalladii Kooxda  Al-Shabaab iyo doorka ATMIS iyo saaxiibada Soomaaliya ka taageero howlgallada hawada ee xoreynta dalka.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta dowladda ayaa ka hadlay dadaallada ay waddo DFS iyo qorshayaasha lagu horumarinayo hay’adaha amniga iyo sidii loo wareejin lahaa mas’uuliyadda amniga dalka, taasoo qeyb ka ah qorshaha kala guurka ah ee Soomaaliya.

Wafdiga C34 ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan DFS, waxayna bogaadiyeen guulaha ay ka gaareen dhinacyada amniga, maamulka iyo dib u heshiisiinta. Wafdiga ayaa sidoo kale ku celceliyay muhiimadda ay leedahay in doorashadu waqtigeeda ku qabsoonto oo loo dhan yahay, iyadoo la raacayo heshiiskii 17-kii September, waxayna ku booriyeen dhammaan dhinacyada in la iska kaashado sidii xal looga gaari lahaa arrimaha taagan.

Wafdiga C34 ayaa la filayaa in ay booqasho ku tagaan gobolada kale ee dalka Soomaaliya iyagoo la kulmi doona wakiilo ka socda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka. Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa ah sidii ay u qiimeyn lahaayeen baahiyaha nabad-dhisidda iyo caqabadaha ka jira Soomaaliya iyo sidii golaha ammaanka looga siin lahaa talooyin ku aaddan sidii dalka looga taageeri lahaa xasilloonida iyo horumarka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed