Wafdi culus oo ka socday dowladda Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Laascaanood ee maamulka SSC khaatumo

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa maanta gaaray wafuud kala duwan oo ka socotay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo iskugu jiro Wasiiro, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale, waxana halkaas ku soo dhaweeyay qaar kamid madaxda maamulka SSC khaatumo.

Wafdigaan maanta tagay Laascaanood waxaa hoggaaminayay wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka, Cabdullaahi Xirsi Timacadde, waxana safarkaan ku wehliyay Xildhibaanno ay kamid yihiin Bashiir Ameeriko iyo wasiir hore Xamza Saciid Xamza.

Madax mataleysay maamulka SSC khaatumo ayaa kus oo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Laascaanood, kuwaas oo kadib yeeshay kulamo kala duwan, waxayna iska warreysteen nolosha magaalada iyo xaalkeeda.

Masuulinta ayaa sheegay in ay u yimaadeen qiimeynta xaaladda gobolka Sool oo muddo 8 bil ah ay ku dagaallamayeen millateriga Somaliland iyo ciidamada SSC khaatumo, taasoo keentay in Laascaanood marti galisay dhacdooyin xanuun badan oo saameyn tabban ku yeeshay dadka iyo deegaanka.

Waxaana gudaha magaalada ka socdo  kulamo kala duwan oo looga hadlayo xaaladda guud  oo ay wdaan labada dhinac.Taniyo markii maamulka Somaliland  cudud millateri laga saaray Goojacadde  bishii hore waa markii ugu horreysay oo ay halkaas tagaan masuuliyiin ka socotay dowladda Faderaalka Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed