Waddamo Soomaaliya Ku jirto oo Loogu Deeqay Balaayiin Lacag ah.

Deeq bixiyaasha Caalamiga aya balaayiin doollar ugu deeqay waddamada dhaca geeska Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto, sida ay shaacisay hey’adda Qaramada Midoobay qoraay ka soo baxay oo lagu faah faahiyay lacagahaan deeqda ah.

Lacag gaareysa ilaa $2.4 bilyan oo doollar oo loogu tala galay in wax loogaa qabto dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ayaa lagu yaboohay kulan ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykan, lacagta ayaa wax looga qaban doonaa in ka badan 30 milyan oo ruux oo ku xaalad adak ku heysato geeska Afrika, waxana kamida ah dalka Soomaaliya, oo dhowr jeer la sheegay in loo baahan yahay gargaar deg deg ah.

Warbixintaan oo ay daabacday Qaramada Midoobay ayaa lagu xusay in dad badan oo ku nool geeska Afrika ay wajahayaan xaalad bini aadanimo, iyada oo intaas raacisay in ajiraan abbaaro xooggan maaddaama la waayay roobabkii muddooyinkii dambe, dhanka kale waxaa qoraalka lagu lifaaqay in ay jiraan fatahaado iyo roobab saameeyay nolosha dad badan kuwaas oo ka cararay guryahoodii, una baahan yihiin taageero caalami ah.

Hey’addaha gargaarka ayaa horay u dalbaday 7 bilyan oo dollar si wax looga qabto abbaarta iyo fahaadaha 2023, iyaga oo gunnanadka warbixinta ku daray in wili loo baahan yahay lacago dheeraad oo lagu badbaadiyo malaayiin ruux.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed