Waddamada Soomaaliya ka Taageeraya Dagaalka Al Shabaab oo Muqdisho Kulan Ku Yeeshay.

Shir ay isugu yimaadeen  qaar kamid ah Waddamada ku jiro dagaalka Wajiga Labaad ee Al shabaa ayaa Maanta Muqdisho ka dhacay, kaas oo looga hadlay arrimo khuseeyo dagaalka u dhexeeyo Dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab.

Kulankaa ayaa waxaa ka soo qeyb galay Saraakiil ka Socotay dalalka Kenya Jabuut iyo Itoobiya, waxana sidoo kale qeyb ka aheyd Safiir ku xigeenka Saraafada Mareykanka ee Muqdisho.

Madashaan ayaa wax Shir guddoomiyay  Taliyaha Ciidanka hawlgalka wada jirka ah Generaal Maxamed Cali Bariise,iyadoo kulankan diirada lagu saaray muhiimada hawlgalkan wada jirka ah oo ay wadaan Dowladaha Soomaaliya ka taageeriya dagaalka Dalka Looga xorreyn Al Shabaab.

kulaankaan ayaa imanaaya iyada io dowladda Soomaaliya ay waddo in ay sii waddo dagaalka Al shabaab ee wajigiisa labaad.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed