Wadayaasha Mootooyinka oo ka horyimid go’aanka dowladda ee Summada Mootada.

Dhaalinyarada Ku shaqeyso Moota Bajaajta ee Magaalada Muqdisho ayaa ka horyimid  Summadeynya  ama Nambareynta Mootootinka oo lagu wado in Maalinta berri ah ay ka bilaato gobolka Banaadir.

Qaar kamid ah Wadayaasha Mooto bajaajta oo la hadlay Warbaahinta ayaa ayaa sheegay in aysan Aqbali doonin go’aan lagu wado in mootooyinka Labo nuuc loo qeybiyo kuwaas maalin dhaaf u shaqeyn sida A iyo B, taas oo ka dhigan Kooxda A maalin gooni ah ay shaqeyn doonto halka B iyaguna ah shaqeeyn doonaan Maalin kale.

Wadayaasha ayaa intaas ku diray in Maalinta berri ah ay dhigi doonaan banaan baxyo looga soo horjeedo gao’aankaan ku aaddan in Labo maalin lakala shaqeeyo guud ahaan Mootooyinka Muqdisho.

Golaha Wasiirrada ayaa dhawaan soo saaray goaankaan kadib markii ay kulan ka yeesheen dhibaatooyinka Ka dhaca Muqdisho ee ku Saabsan Wadayaasha Mootooyinka  kuwaas oo dilal kala kulmo Ciidanka Booliiska, halka Magaalada Muqdisho ay noqotay meel Saxmad badan, waxaana loo sababeeyay tirada Mootooyinka oo aad uga badan waddooyinka Caasimadda.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed