Wadahadalad nabada ee Sudan oo dib uga furmay magaalada Jeddah

Urur-goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika (AU) ayaa toddobaadkan ku biiray wada-hadallada nabadeed ee Suudaan oo dib uga furmay magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga, iyadoo dhexdhexaadiyayaashu ay diiradda saareen dhinacyo badan oo ay ku raadinayaan is-afgarad.

Wada-hadallada Jeddah, oo uu sidoo kale taageeray Maraykanku, waxa ay si dhab ah ugu lug lahaan : Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (Saf) iyo Ciidamada Gargaarka Degdegga ah (RSF). Labada dhinacba waxay sheegeen  inay diyaar u yihiin inay dib u galaan wada xaajoodyada.

Labada dhinac ayaa dagaalamayay tan iyo 15-kii Abriil, Safna waxay ka baxeen wadahadalladii Jeddah bishii Luulyo, iyagoo ku eedeeyay RSF inaysan dhab ahayn. Heshiisyo dhowr ah oo xabbad joojin ah ayaa sidoo kale la jebiyey rabshado ay ku dhinteen ugu yaraan 9,000 oo qof ayna barakiciyeen ilaa 5.4 milyan oo qof.

Igad iyo AU waxay direen wakiilo, taasoo muujinaysa inay dib u badeleen dadaalkooda barbar socda wadahadalka nabada ee Jeddah oo u muuqda mid ay ku qanci karaan dhinacyada isku haya Sudan.

Gen Abdel Fattah al-Burhan, ayaa horay u diiday kooxda Igad Quartet ee ay hogaaminayaan Kenya, South Sudan iyo Djibouti, iyaga oo sabab uga dhigay in ay u xaglinayaan hogaamiyaha RSF Mohamed Hamdani Daglo Hemedti.

Xoghayaha fulinta ee Igad Workneh Gebeyehu ayaa sheegay in ururku uu si wadajir ah u fududeynayo wadahadallada ay la leeyihiin Midowga Afrika.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed