Wabiga Shabeelle oo Sameeyay Fatahaado Horleh Gobolka Hiiraan

Fatahaado xooggan oo ka dhacay gobolka Hiiraan, kadib markii Wabiga Shabeelle uu fatahaado horleh ka sameeyay deegaanno iyo degmooyin kale oo ku yaal gobolka, taas oo saameyn culus ku yeelatay nolosha dadka iyo duuniyada.

Wararka ka imaanaya degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan iyo deegaanno ka tirsan  hoostaga ayaa ku warramaya in Laga barakacay, iyada oo magaalada Buula-burde ay xirmeen qeybo kamid ah isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka, Wabiga ayan ku fatahay Xaafado dhowr ah oo biyihu jiifaan.

Dadka deggan magaalada ayaa u qaxay tuulooyinka iyo bannaanka hore ee magaalada kuwaas oo naftooda badbaadsanaya, sawiro iyo muuqaalo laga soo duubay guud ahaan deegaanka ayaa muujinaya khasaaro xooggan ee ka dashay fahaadaha, nolosha dadka ayaa noqotay mid adag.

Dhawaan ayey aheyd markii magaaladda Baladweyne ee  xarunta Gobolka ay ka dhacday fatahaadii ugu darneyn, markii ay xirmeen guud ahaan isku socodka magaalada, sida ganacsiga, waxbarashada, iyo dhaqdhaqaaq kaste, dadka ayaa u cararay daafaha magaaladda.

Wabiga Shabeelle ayaa laga cabsi qabaa in uu ku fataho deegaanno horleh ee ku yaal Hiiraan iyo Shabeelleda dhexe sida ay kal hore shaaciyeen qubarada iyo hey’addo caalami ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed