Wabiga Shabeelle oo sameeyay fatahaado hor leh gobolka Hiiraan iyo walaac ka taagan gobolkaas

Wabiga Shabeelle ee mara magaalada Baledweyne iyo deegaannada gobolka Hiiraan ayaa bilaabay farahaado culus, waxaana uu saameyn ku yeeshay qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha magaalada Beledweyne iyo deegaanno kale.

Daadad xooggan ayaa  maanat dhacay qeybo ka mid ah xaafadaha Kooshin iyo Xaawo Taako, gaar ahaan agagaarka Raadeerka, Kutiimbo, Dhagaxjibis, iyo Saax Macaan.

Dadkii ku noolaa Xaafadaha uu maanta ku fatahay Wabiga Shabeelle ayaa maalmihii la soo dhaafay la kulmay Barakac xooggan. Daadka oo muddo dheer laga baqayay, ayaa hadda dad badan ka saaray guryahooda.

Waxaa isa soo taraya walaaca laga qabo in wabiga uu dhawaan ku fataho qeybo ka mid ah xaafadaha Buundaweyn iyo Howlwadaag.

Fatahaaddan dhawaan soo rogmatay ayaa waxay la xiriirtaa barakac baahsan oo laga sameeyay xaafadaha magaalada Baledweyne, iyadoo inta badan dadkii deganaa ay gabaad ka dhigtaan xaafadda Ceeljaalle ee duleedka Baledweyne.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed